Saraakiil Mareykan ah oo lagu Arkay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo

Iayadoo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ay la wareegeen Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa Gudaha Garoonka waxaa lagu Arkay Saraakiil Mareykan ah oo Tiradooda lagu sheegay Shan illaa Todobo.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa Xaqiijiyay in Diyaarad Nuuca Qumaatiga u kaca ah ay Xalay Garoonka Diyaaradaha gaalkacyo keentay Saraakiisha Mareykanka ah,kuwas oo loo maleenayo in ay yihiin Tababareyaal.

Garoonka Diyaaradaha oo Dowladda Milatariga Soomaaliya ay Adeegsan jirtay islamarkaana ay la haayeen Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hadda u muuqda in Dowladda Mareykanka ay ka dhiganeyso Saldhig ay Shabaab ka ugaarsato oo ku yaalla Gobolada Dhexe.

Puntland iyo Galmudug weli war kama soo saarin Arrinta Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkayo.