DHAGEYSO:Saraakisha Ciidanka Milatariga Gobalka Hiiran oo sheegay In saanad mila tari kala waregeen Alshabaab ka dib dagaalo ay kula galeen deegano hoos yimaada gobalkaas.

Saraakiisha ciidanka Millitariga Soomaaliya eek u sugan gobolka Hiiraan ayaa waxay faah faahin ka bixiyeen Dagaal ay Dagaalyahano katirsan xarakada Alshabaab kula galeen gobolkaasi ayaa waxay tilmaameen sida ay hadalka udhigeen saanad Millitari sida saraakiisha ciidanka eek u sugan gonalka Hiiraan ay inoo xaqiijiyeen.

Maxamed Cumar Cabdulle oo ah Abaanduulaha Guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Howlgalkan uu ka dhacay deegaano 30 KM u jirta gobolka Hiiraan, sidoo kalena wuxuu sheegay qorshaha uu yahay sidii Alshabaab looga saari lahaa deegaanada gobolka Hiiraan oo uu ka mid yahay deegaanka Luuq-jeelow.
Maxamed Cumar Cabdulle waa uu sii hadlay o waxa uu sheegay in Howlgalkaasi ay ku soo furteen 7 Qoryo, Rasaas iyo saanad Millitari oo ciidanka ah.

Al-shabaab ayaa dhankooda waxa ay guulo ka sheegteen dagaalka shalay ay ciidanka dowladda kula galeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Mana jirto sidoo kale ilo labada dhinac kamadx banana oo xaqiijinaya guulaha ay kala sheeganayaan.