Sarkaal ka tirsan Ahlu-sunna iyo Ciidan uu wato oo iksu dhiibay Maamulka Galmudug

Sargaal ka tirsan Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca oo lagu magacaabo C/risaaq Cali Tubaako iyo Ciidan uu wato ayaa ka goostay Ahlusunna, waxeyna isku dhiibeen Maamulka Galmudug.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Sargaalka iyo Ciidan uu wato ay isku soo dhiibeen Galmudug islamarkaana Magaalada Cadaado lagu soo dhaweeyay,waxaana Saraakiisha Galmudug ay sheegeen in Cid walba oo ka tirsan Ahlusunna oo Galmudug isku soo dhiibta ay soo dhaweynayaan.

Dhanka kale Ahlusunna ayaa Magaalada Dhuusamareeb ku xirtay Hooyada dhashay Sargaalka ka goostay Ahlusunna ee Galmudug,waxaana Hooyada lagu Magacaabaa Shamso Xuseen Cali-cad.

Shamso Xuseen ayaa Ahlusunna ka soo xirtay Tuulo lagu Magacaabo Tuulo Caano oo Waqooyiga ka xigta Degmada Gurceel,iyadoo la soo xiray markii wiilkeeda ka goostay Ahlusunna.

Maamulka Ahlusunna Waljamaaca weli kama hadlin Sargaalka ka goostay islamarkaana isku dhiibay Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug iyo Hooyada Sargaalkaas oo ay Xabsiga dhigeen.