Saudi Arabia Ayaa sheegay inay diyaar u yihiin xabad joojin dalka Yemen haddii Houthis ogolyihiin..

A hole is seen during a visit by human rights activists to a community hall that was struck by an airstrike during a funeral on October 8, in Sanaa, Yemen, October 16, 2016. REUTERS/Mohamed al-Sayaghi

 

A hole is seen during a visit by human rights activists to a community hall that was struck by an airstrike during a funeral on October 8, in Sanaa, Yemen, October 16, 2016. REUTERS/Mohamed al-Sayaghi

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Saudi Arabia Adel al-Jubeir ayaa sheegay isniinti in ,Saudi Arabia ay diyaar u tahay heshiis xabad joojin ah ee dalka Yemen haddii kooxda Houthis ee -xulufada raacsan Iran , ay ogolaadaan isagoo intaa ku daray in uu ka walaacsan dadaalka nabadda ka dib markii isku day hore oo xabad joojin ay ku guuldareysatay.

Ololaha military ee Saudiga-hogaaminayo ee Yemen ayaa wajahay dhaleeceen culus tan iyo markii weerar cirka ah bishan ee kulankii aaska ee caasimada dalka Yemen ee Sanca oo ay ku dhinteen 140 oo qof sida ay qiyaasta Qaramada Midoobay ku sheeeen halka 82 ku sheegeen Houthiyiinta.

Maraykanka iyo Britain, kuwaas oo labaduba ay taageerayaan ololaha Saudiga-hogaaminayo, ayaa ugu baaqay axadii, xabad joojin deg deg ah oo shuruud la’aan u dhexeeysa Houthis iyo, dawladda Saudi-taageerayo ee caalamku aqoonsan yahay.
“Waxaan jeclaan lahaa in aan arko xabad joojin ,” Jubeir ayaa sida u sheegay suxufiyiinta London.

“Qof waliba waxa uu raba xabad joojin dalka Yemen, qofna sidaas kama sii jecla boqortooyada Saudi Arabia iyo xubnaha isbahaysiga.” Balse wuxuu ku eedeeyay Houthis inay ka baxeen heshiisyo hore.