(sawiro) Dhibcihii Ugu Horeeyay Ee Premier Leaque-ga ah Lumisay chelsea, Diego Costa Oo Laba Gool Dhaliyay Si Uu Blues Guuldaro Uga Badbaadiyo

Diego Costa ayaa Chelsea guuldaro ka badbaadiyay wuxuuna u dhaliyay labada gool ee ay kulankan kooxda Antonio Conte ka soo dhalisay. Chelsea ayaa afar kulan ka heshay 10 dhibcood waxayna 2 dhibcood ka danbaysaa Manchester City oo kali ku noqotay hogaanka Premier Leaque-ga.costa
SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Swansea (3-5-1-1): Fabianski; Fernandez, Amat, Kingsley; Naughton, Ki, Cork, Fer, Taylor; Sigurdsson; Llorente.

Kaydka: Van der Hoorn, Britton, Nordfeldt, Barrow, Montero, Rangel, Fulton.

Chelsea (4-1-4-1): Courtois; Ivanovic, Cahill, Terry, Azpilicueta; Kante; Willian, Oscar, Matic, Hazard; Costa.

Kaydka: Begovic, Alonso, Fabregas, Pedro, Moses, Batshuayi, David Luiz.

Chelsea ayaa qaybta hore ee kulankan soo badhigtay qaab ciyaareed aad u fiican laakiin waxay awoodi wayday in ay ka faa’iidayso fursado cajiib ah oo haddii ay goolal ku dhalin lahayd ay xili hore ciyaarta hurdada u diri lahayd waxayna taasi fursad ay ku sii noolaadaan siisay kooxda martida ahayd oo qaybtii danbe la soo baxday qaab ciyaareed layaableh.

Chelsea ayaa markiiba ahayd kooxda laga filan karayay in ay goolka furitaanka la iman karto waxayna culays ku haysay kooxda martida loo ahaa ee Swansea City oo u muuqatay in ay ku dhibtoonaysay fursad abuurista ay ku bilaabtay kooxda Antonio Conte ee Blues.

DAQIIQADII 18 GOOOOOOOOOOOOOOOL! Chelsea ayaa dadaalkeeda ka midho dhalisay waxaana goolka furitaanka udhaliyay xidiga jecel in uu shaqaba Swansea City soo taabto ee Diego Da Silva Costa kaas oo goolkiisii lixaad ka dhaliyay Swansea ee waayihiisa Premier Leaque-ga wuxuuna goolkan ku dhaliyay kubbad uu ka helay Oscar, isaga oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Chelsea hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Tababaraha kooxda Swansea City ayaa intii ayna dhamaan qaybtii hore ee kulankan sameeyay isbadal shaxdiisa si uu u saxo qaab ciyaareedka aan fiicnayn ee kooxdiisa wuxuuna daqiiqadii 41 aad uu ciyaarta ka saaray Neil Taylor isaga oo kaydka uga yeedhay Modou Barrow, wuxuuna ahaa badal kooxdiisa isbadal fiican u horseeday. Tababare Guidolin ayaa doortay in aanu sii sugin inta xaalada kooxdiisu ay ka sii xumaanayso.

DAQIIQADII 44 AAD GOOOOOOOO….? Maya.Maya sidee ayayna gool u noqon? Diego Costa ayaa kooxdiisa ka lumiyay fursad cajiib ahayd oo gool loo fishay isla markaana ay jamaahiirta Blues u dhawaadeen in ay xaqiiqsadaan goolka labaad laakiin Costa ayaan fursadan ku dhalin goolkiisa labaad ee kulankan.

Si kastaba ha ahaatee, qaybtii hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay 1:0 ay Chelsea hogaanka ciyaarta ku haysay isla markaana ay ku ahayd kooxda awooda ciyaareed ku soo badhigtay Liberty Stadium halka kooxda martida ahayd ee Swansea City ay ku dhibtooday qaybtii hore ee kulankan.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee kulankan Swansea City ayaa soo laabtay iyada oo ku socotay dardar cajiib ah waxayna bilawday in ay si xoogan u raadiso goolka barbaraha iyada oo bilawday in ay fursado abuurto isla markaana ay culaysk ku abuurto kooxda martida ahayd ee Chelsea.

DAQIIQADII 59 AAD REKOODHE! Goolhaye Thibaut Courtois oo kulankii xili ciyaareedkii hore Stamford Bridge ku dhex maray kooxdaha Chelsea iyo Swansea City kaadhka cas loo taagay ayaa markale natiisa halis ku galiyay in kaadhka cas la siiyo laakiin markan kaadhka digniinta ah iyo rekoodhe ayaa lagu abaal mariyay kadib markii uu qalad ku galay Gylfi Sigurdsson.

DAQIIQADII 59 AAD, GOOOOOOL! Swansea City ayaa la timid goolka barbaraha kadib markii uu Gylfi Sigurdsson uu si degan u dhamaystiray darbada rekoodhaha ee uu kooxdiisa u tuuray wuxuuna Swansea City ka caawiyay in ay ciyaarta dib ugu soo laabtaan waxayna natiijad ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.

DAQIIQADII 62 AAD GOOOOOOOOL! Alla maxay xaaladu si deg deg ah isku badashay! haddii dhawr daqiiqo ka hor ay Chelsea hogaanka ciyaarta haysay markan Swansea City ayaa si deg deg ah xaalada ciyaarta dhiganac kale ugu dhigtay kadib markii uu Leroy Fer uu dhaliyay goolka labaad ee Swansea City, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:1 ay Swansea City markeeda hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Laakiin qaabka uu Leroy Fer ku dhaliyay goolka labaad ee Swansea City ayaa muran dhaliyay iyada oo uu muuqday in uu qalad ku galay Gary Cahil ka hor intii aanu goolkan dhalin laakiin garsooraha ayaan wax qalad ah tilmaamin, xamaasada ciyaarta ayaana noqotay mid cajiib ah.

Chelsea ayaa ku qasbanaatay in ay markeeda si xoogan u raadiso goolka barbaraha waxayna si ay goolkan ula ula timaado ay abuurtay fursado fiican halka Swansea City ay dagaal ugu jirtay in ay ilaashato hogaanka ay sida deg dega ah kula wareegtay.

DAQIIQADII 81 AAD GOOOOOOOOOOL!. MA CIDKALE? Chelsea ayaa markeeda ciyaarta dib ugu soo laabtay kadib markii uu Diego Da Silva Costa la soo baxay saamayntiisa gool dhalineed wuxuuna si qurux badan oo cajiib ah uu u dhamaystiray kubbad markii hore laga daboolay Ivanovic, wuxuuna Costa kooxdiisa u badbaadiyay ugu yaraan hal dhibic isaga oo ciyaarta ka dhigay barbaro 2:2 ah.

Intaa wixii ka danbeeyay xaaladu waxay noqotay mid waali ah iyada oo labada kooxoodba laga filan karay goolka guusha. Daqiiadii 90+3 aad Swansea City ayaa si wayn ugu dooday in ay rekoodhe heleen kadib markii Ki uu cadaadis kala kulmay Fabregas laakiin markan garsooraha ayaan waxba tilmaamin.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay babraro 2:2 ay iyada oo kooxaha Chelsea iyo Swansea City ay Liberty Stadium dhibcaha ku qaybsadeen iyada oo labada koxood ay midba qayb ka mid ah kulankan ay soo badhigtay qaab ciyaareed aad u fiican. Chelsea ayaa iska lumisay fursad ay Manchester City dhibcaha kula wadaagi kartay basle hadda kooxda Conte ayaa 2 dhibcood ka danabysa kooxda Guardiola oo hogaanka kali ku noqotay.2323
1332
1385
2284
2976
3019
3381
3608