Sawirro: Dowlada Sudan oo Balan qaaday in ay kordhin Doonto Deeqaha Waxbarasho oo Soomaliya ay siiso

Wafdigii ka socday Barlamaanka Soomaaliya oo uu horkacayay Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Khartuum Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tacliinta sare ee dalka Suudaan Dr: Atijaani Mustaha Maxamed Saalax.

Kulanka oo looga hadlayay arrimaha deeqaha waxbarasho ee ay Soomaaliya ka hesho Suudaan, ayaa waxaa Guddoomiyaha ku wehliyay dhanka Baarlamanka Prof;Maxamed Cumar Dalxa iyo Prof: Cabdiraxmaan Aadan Ibbi,iyadoo si qoto dheer laysula qaadaa dhigay sare u qaadidda qoondada deeqaha ay helaan ardayda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdiqadir Cosoble oo ah madaxa wafdiga, ayaa warbaxin ka siiyay madaxda wasaarradda tacliinta Suudaan sida uu hadda yahay heerka waxbarasho ee dalka Soomaaliya iyo horumarka ay dhankaasi ka samaysay xilliyadii dambe.

Wasiir Tajaani,ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko wafdi heer baarlamaan ah oo Soomaaliya ka socda,aadna usoo dhawaynayo hindisahooda,wuxuuna intaas ku daray inay dowladda Suudaan diyaar u tahay kordhinta deeqaha waxbarasho ee la siiyo walaalahood Soomaaliya.

Sidoo kale wafdiga ayaa kulan kula qaatay madaxa xafiiskiisa Wasiiru dowlaha iskaashiga caalamiga ah Xuseen Sharif  Ibrahiin Al-hind,waxana laysla meel dhigay sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha iskaashiga caalamiga ee labada dowladood iyo labada hay’adood.

Wafdiga ka socday Baarlamaanka Federalka ah ee Soomaaliya, ayaa waxay ka warbixiyeen heerka uu gaarsiisan yahay iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya la leedahay dowladaha kale ee aduunka iyo sida ay dowladda Soomaaliya ugu hormartay dhanka xirrirka caalamiga ah.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda iskaashiga caalamiga ah ee suudaan ayaa isna sheegay inay diyaar u yihiin inay taba barro u fidiyaan shaqaalaha wasaaradda iskaashiga caalamiga, isagoo xusay inay jiraan qaabab casri ah oo ay hadda wasaaraddoodu ku shaqayso habkaasoo heer calami iyo heer guddi.

Guddiga ayaa sidoo kale kulan la qaatay Golaha saaxiibtinimada diblumaasiyadda shacabka, oo ay xaruntoodu tahay magaalada khartuum, waxayna warbixin ka dhagaysteen golaha, taasoo ku saabsan sida ay u shaqeeyaan.

Waxayna intaa ka dib guddiyadu isla mee dhigeen in la sameeyo gole saaxiibtinimo oo ka shaqeeya diblumaasiyadda shacabka Soomaaliya iyo Suudaan,iyadoo golayaashan laga kala sameenayn doonaa caasumadaha labada dal ee Muqdisho iyo Khartuum.

Sidoo kale waxaa laysla gartay in la sameeyo tobaadka dhaqanka Soomaaliya iyo Suudaan,kaasoo lagu soo bandhigayo hiddaha iyo dhaqanka labada shacab,iyadoo lays weydaarsanayo booqashooyin fanaaniin labada dhinac ah, si loo soo celiyo is dhexgalka dhaqanka labada bulsho.

Wafdiga oo maalmahanba booqasho ku joogay dalka Suudaan ayaa lagu wadaa inuu halkaasi sii joogi doono illaa berrito oo Jimce ah, iyagoo hishiisyo kala duwan la soo geli doona doona baarlamaanka Dowladda Suudaan.

 

Kar3-300x225

Khar1-300x225

Khar2-300x225