( Sawirro” ) Madaxwaynaha Soomaaliya oo Billad sharaf guddoonsiiyay Xoghayaha Joogtada ee Arimaha Gudaha

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Md: Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa Maanta Bilad Sharafeed iyo  Shahaado waxa uu gudoonsiiyay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda arimaha Gudaha iyo Federaalka Dr. Yahye Ali Ibrahim.

Munaasabad oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Villa-Somalia waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo R/Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,Wasiirka Arimaha Gudaha C/raxmaan Odowaa Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Masuuliyiin kale.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Dr. Yahye Ali Ibrahim ayaa ku mutaystay abaalmarintaan doorkii waynaa uu ka qaatay dhismaha Maamul goboleedka Hirshabelle oo dhismihiisa dhawaan lagu soo gabo gabeeyay Jowhar, waxa uuna Yahye mudo ku dhow hal sano uu soo qabtay howl naf hurnimo ah habeen sidii guul looga gaari lahaa dhismaha maamulka Hirshabeelle.

yahye_1-640x360

yahye_2-300x169