Waxaa shalay Galab ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Baardheere,wafdi
balaaran oo uu hogaaminayo Ugaaska guud ee Beesha SADE ,Ugaas Maxamed
Ugaas Xaashi oo ka soo kicitimay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Ugaaska iyo xubnahii la socdey ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ku soo
dhaweeyey Boqolaal dadweyne ah oo ay horkacayaan Maamulka
degmada,Odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmada.
Ugaaska ayaana waxaa uu uga mahad celiyay waxgaradka sida diiran ugu soo dhaweeyay dagmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada.