Shan xildhibaan oo ka mid noqonaya Golaha Shacabka oo maanta lagu doortay Magaalada Jowhar

Doorashada Golaha xildhibaanada Aqalka hoose Ayaa weli si habsami leh uga soconeysa magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeele 5 Mudane oo ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay magaaladaasi.

Xildhibaanada ku soo baxay kuraasta Aqalka Hoose ayaa qaarkood waxay yihiin kuwo muddo dheer ka tirsanaa Baarlamaanka, halka sidoo kale ay jiraan xubno cusub oo Doorashadaan ku soo baxay, waxaana ay kala yihiin Xildhibaanada la doortay.

1.Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, oo ku soo helay 32 cod.
2.Maxamed Cumar Ceemooy, oo isna helay baxay 26 cod.
3.Mina Xasan Shibis, oo ku soo baxday 27 cod.
4.Farxiyo Maxamuud Dhaqane oo ku soo baxday 43 cod.
5.iyo Dahabo Suusow oo iyana heshay 27 cod.

Doorashada Golaha shacabka ayaa mareysa heer gaba gaba ah waxaana dhawaan xildhibaanadu ay u diyaar garowbayaan inay yeeshaan kal fadhigoodii ugu horeeyay