Sharif Xasan oo Dhagax Dhigay Xarun Jaamacad Cusub oo Baydhabo laga Hirgalinaayo

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed ,ayaa Magaalada Baydhabo Ka dhagax dhigay Jaamacad Cusub loogu magac darey Koofur Galbeed University, Taasoo ay xagga dhaqaalaha ka caawin doonto Ddowladda Talyaaniga

Shariif Xasan Sheekh Aadan,madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed,ayaa goobta dhagax dhigga ka sheegay inay muhiimad weyn u leedahay Jaamacaddan bulshada ku dhaqan degaannada K/galbeed,isla maraakan ay ka caawin doonto dhanka tacliinta sare.

Jaamacaddan oo noqoneysa tii ugu horreysay ee nooceeda ah oo laga furo degaannada Koofur Galbeed Soomaaliya , ayaa lagu baran doonaa Shareeca Qaanuunka (Sharia Law)

Wakiillada ka socday dowladda Talyaaniga, ayaa waxay goobta Dhagax dhigga ka sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay dowladdooda Jaamacad ka dhisto magaalada Baydhabo, ayna filayaan inay si wanaagsan hawshu ku soo gabgaboowdo.