Shariif Xasan”Shacabku waa in hal meel ay uga soo wada jeestaan Al-shabaab”

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu kahadlay muhiimada ay leedahay  in shacabka Koonfur Galbeed ay Hal meel uga soo wada jeestaan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed waxa uu tilmaamay in amniga Koonfur Galbeed hada uu yahay mid aad loo adkeeyey, shacabka ayuuna ugu baaqay in ay ilaalsadaan amnigaasi oo laamaha amaanka ay la shaqeeyaan.

“Shacabku waa in ay soo sheegaan kuwa cadowga ah ee falalka amaan xumada ku howlan, waa in aan la qarin sababtoo ah dadka ayey dhibaato ku yihiin”ayuu yiri shariif Xasan

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxa uu shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay ka qeyb galaan Doorashooyinka sanadkan ka dhacaya dalka si ay u helaan xuquuqda ay ku leeyihiin dowladda cusub ee soo socota.