Shaxda Kooxda Isbuuca Ugu Wanaagsan Premier League Oo Si Hordhac Ah Loosoo Saaray, Ayaase Ugu Badan?

Inkastoo kulamada isbuucaan aan la wada ciyaarin oo caawa la wada sugayo kulanka u dhaxeeya kooxaha Crystal Palace iyo Arsenal, hadana shabakadda caalamiga ah ee Goal waxey soo saartay shaxda hordhaca ah ee ugu wanaagsan kulamadii la ciyaaray.

Shaxdaan waxaa qabsaday Manchester City iyo Tottenham Hotspur kuwaas oo guulo waaweyn ka gaaray Hull City iyo Watford, waxeyna ku yeesheen min 3-xidig, halka Everton, West Ham Iyo Southampton ay ku yeesheen min hal xidig, hogaamiyayaasha horyaalkana laba xidig ayaa laga soo xulay kadib kulankoodii Bournemouth.

Goolhaye Froster ayaa noqday mid wanaagsan isbuucaan, 6-badbaadin ayuu sameeyay kulankii ay West Brom ku booqdeen garoonka Hawthrones.

John Stones, Jesus Navas iyo Raheem Sterling ayey mudnaanta siiyeen kuwaas oo ay qabaan iney ahaayeen kuwii ugu fiicnaa Citizens, sidoo kalana Son, Alli iyo Dier oo dhamaan shabaqa soo taabtay kulankii Watford ayey kasoo xuleen Spurs.

Romelu Lukaku oo sii dheereystay gooldhalinta horyaalka Premier League kadib labadiisii gool ee Leicester City uu ka dhaliyay, wuxuuna kusoo baxay shaxda kooxda isbuuca.

Eden Hazard, David Luiz iyo Masuaku ayaa sidoo kale kasoo muuqday kuwaas oo waxqabad buuxda la yimid isbuucaan.