Shaxda Labada Koox Ee Atletico Madrid & Real Madrid Kulanka Caawa Halkaan Ka Aqriso————–

Taageerayaasha kooxaha Real iyo Atletico ayaa ka hadlay shaxda ay doonayaan inay kooxahooda ku soo shirtagaan kulanka caawa ee ka dhacay garoonka Vicente Calderon oo lagu ciyaarayo kulankii ugu danbeysay ee Madrid Derby madaama Atletico ay garoon cusub u guureyso xilli ciyaareedka danbe.

Jariirada Isbaanishka ee AS ayaa codbixin ka qaaday jamaahiirta labada kooxood ee Atleti iyo Real iyagoo soo xushay shaxda ay doonayaan inay caawa ku soo bilowdaan.

Atletico Madrid

Shaxda Taageerayaasha Atletico: Oblak; Juanfran, Godín, Savic, Filipe; Koke, Gabi, Saúl; Carrasco, Gameiro and Griezmann.

Shaxda ay u codeeyeen taageerayaasha Atletico waa mid la mid ah tii ay barbaraha 1-1 kula galeen Barcelona, inkastoo 11kii ay sidoo kale yihiin kuwaasii ay guuldarada 2-0 ku soo gaartay garoonka Anoeta ee Real Sociedad.

Jamaahiirta Rojiblanco ayaa doortay seddexda khadka dhexe ee Gabi-Koke-Saúl iyo seddexda weerar ee Gameiro, Griezmann iyo Carrasco, waa mid uu Simeone soo xushay 10 jeer horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Real Madrid

Shaxda taageerayaasha Real Madrid: Keylor; Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo; Modric, Kovacic, Isco; Lucas Vázquez, Cristiano and Bale.

Haddii Zidane uu dhageysan lahaa taageerayaasha Real Madrid waxa ay ahaan laheyd markii ugu horeysay ee uu 11kaan ku soo bilaabo. Isbedelka ugu weyn ee ay doonayaan taageerayaasha Merengue ayaa ah in Lucas Vazquez afka hore ee weerarka laga ciyaarsiiyo halkii la ciyaarsiin lahaa Karim Benzema oo aan taam buuxda aheyn.

Haddii weeraryahanka Isbaanishka ah la ciyaarsiiyo waxa ay keeni doontaa in Bale uu garabka bidix karo halka Cristiano Ronaldo uu booska dhexe ee weerarka ka ciyaaro iyadoo Vazquez uu buuxinayo garabka midig ee weerarka, si kastaba, waxa Zidane dooran karaa inuu ciyaaro shax ciyaareedka 4-4-2.

Xilli ciyaareedkan Vazquez, Bale iyo Cristiano waxa ay wada ciyaareen 10 jeer, inkastoo aysan marnaba ku soo wada bilaabanin. Seddexda khadka dhexe waa Modric, Kovavic iyo Isco. Afarta danbe waa Carvajal, Ramos, Varane iyo Marcelo.