Shaxda Rasmiga Ah Ee Borussia Dortmund v Monaco – Maxaa Isbedel Oo Ku Dhacay Safafka Hore Ee Labada Kooxood Ka Dib Weeraradii Xalayto?

Sida la iska ogyahay kooxda Borussia Dortmund waxaa ka maqan Marc Bartra oo xalayto ku dhaawacmay qaraxyadii lala beegtay baska kooxda intii ay ku sii socdeen garoonka taasoo keentay in kulankooda dib loo dhigo oo caawa la ciyaaro.

Bartra ayaa weli cusbital ku jira ka dib markii qaliin looga sameeyay curcurka gacanta, waxaa sidoo kale Dortmund ka maqan Marc Reus oo isna dhaawac muruqa ah ku seegaya kulanka caawa.

Waxaase cajiib ah in Dortmund ay kaliya lix ciyaartoy u magacowday kursigooda keydka, weli lama oga sababta.

Dhanka Monaco waxaa ka maqan xiddigo muhim ah Djibril Sidibe iyo Benjamin Mendy.

SHAXDA RASMIGA AH:
Borussia Dortmund: Burki, Bender, Dembele, Guerreiro, Aubameyang, Kagawa, Sokratis, Piszczek, Ginter, Schmelzer, Weigl

Keyd: Weidenfeller, Sahin, Mor, Pulisic, Merino, Passlack

Monaco: Subasic, Almamy Touré, Glik, Jemerson, Raggi, Bernardo Silva, Fabinho, Moutinho, Lemar, Mpabbé, Falcao

Keyd: De Sanctis, Jorge, Dirar, Diallo, Ndoram, Cardona, Germain