Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Sh.dhexe oo lagu wado in in dib loo Amba qaado

Qaban qaabo dib loogu furaayo shirka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa laga dareemaya magaalada Jowhar.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe , ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka gobolka Shabeelaha Dhexe ay wadaan dadaalo dheeri ah oo dib  loogu furaayo shirka magaalada Jowhar.

Qaar ka mid ah waxgaradka oo aan la hadalnay ayaa sheegaya in ay suurta gal tahay in uu dib u furmo shirka magaalada Jowhar.

Shirka maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo SH/Dhexe ayaa waxaa hakad galiyay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin waxgaradka gobolka Hiiraan oo kasoo horjeestay in ay ka qeyb galaan shirkaasi.