AKHRISO: Shaaciye24 oo Heshay Qodobada looga doodi doono Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo Maanta Furmi doono

Maanta oo arbaco ah ayaa lagu wadaa inuu magaaladan Muqdisho ka qabsoomo shirka madasha wada-tashiga Qaran, kaasoo lagu go’aamin doono waqtiga rasmiga ah ee ay dhaceyso doorashada dadban ee dalka.

Kulammo gogol-xaar ah ayaa waxay xalayto ka soconayeen xarunta madaxtooyada dalka ee Villa Soomaaliya, halkaasoo la filayo inuu ka dhici doono shirka maanta loo madlan yahay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka maanta furmaya uu yahay kii ugu dambeeyay oo ay madashu yeelato, kaasoo uu ku tilmaamay mid lagu dhameystirayo qodobbo ka haray heshiisyadii horay loo gaaray.

Madaxda dalka iyo Beesha caalamka ayaa dedaal ugu jira sidii ay doorashada dadban ugu qabsoomi lahayn dalka waqtigii loogu tala galay oo ah dabayaaqada bishan Augost 2016-ka.