SHIRKII WADAMAD IGAD OO MUQDISHO SI RASMI AH UGA FURMAY madaxweynaha somalia oo shirkaa furay

Shir madaxeydka Madaxweyneyaasha Wadamada Bariga Africa ee IGAD ayaa goordhaweyd ka furmay caasimada soomaaliya ee Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynayaasha kala ah Madaxweyaha martida loo yahay ee Jamhuuriyada Soomaaliya MD Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynaha Uganda Yuveri Musafine, Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyata, Raisu wasaaraha Ethiopia Helimariam Diselam, Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jabouti Mohamoud Ali Yousuf oo matalaya Madaxweynaha wadankaas oo cilad diyaaradii waday ku timid owgii uga baaqad, sidoo kale waxaa shirkaa ka qeyb galaya wakiilka Madaxweyne Omar Hassan Ahmed Al-Bashir oo arrima jiro uga cudur daartay ka soo qeyb galka shirkan iyo wakiis ka socdo wadanka koonfurta sudan.

Shirkan ayaa ah kii 28 ee uu yeesha urur goboleydkan tan iyo xiligii la aasaasay 1986 wana markii ugu horeysay ee shir noocan ah lagu qabto caasimada soomaaliya tan iyo wixii ka danbeyey sanadii 1974 oo shirkii madaxweynayaasha wadamada midowga africa ku yesheen caasmada.

shirkan ayaa sidoo kale waxa uu ku soo adayaa xili dalka isu diyaarinayo in uu galo doorashooyinka madaxweynaha iyo tan baarlamaanka kaa oo ka kooban labada aqal.

Dhanka amaanka caasimada ayaa aad iyo aad loo adkeyey si looga feejignaado carqaladeyn ay donayaan qolyaha aanan nabada iyo horumarka soomaaliya. Wana guul u soo hoyotay dhaman shacabka soomaaliyeed.