Shirweynaha Beelaha Celi oo ka dhacaya Dalsan iyo Qurbajoog iyo Siyaasiyin caan ah oo ka qayb galaya.

Shirar kala duwan oo mudoyinkii la soo dhaafay Beelaha Celi uga socday gudaha iyo dibadaba ayaa waxaa lagu go,amiyay Xiliga iyo gobtaii lagu qaban laha Shirweynaha Beelaha Celi  ee 2016.

Saladiinta beesha ,Siyaasiyiin, Aqonyahano, haween, iyo qurbajog mudo wada tashanayay ayaa waxay isla qateen in shirkaani  uu ka dhaco Dagmada Dalsan ee Waqooyiga  Gobolka Galgaduud.

Shirkaan oo ah shir ay beesha uga tashanayso ayaheeda Siyaasadeed ee xiliga kala gurka ah iyo go,aanki ay ka qadan lahayeen Maamulka Galmudug oo ay beeshu  la dhacsanayn hanankiisa awood qaybsi ayaa waxaa ka soo qayb galaya Saladiinta beesha ,Siyaasiyiin, Aqonyahano, haween, iyo qurbajog misan ku dhex leh beelaha Celi.

Shirkaan  ayaa waxaa uu socon doona Mudo usbuc ah  ayado  ka soo qayb galeyaasha shirkaani ay ka kala iman doonan  Wadamada Itobiya,Maraykanka,Yurup, Kenya iyo iyo gudaha Somalia  gaar ahaan Magaloyinka  Cabudwaaq ,Muqdisho,Kismaayo iyo Garoowe.

Siyaasiyinta Shirkaani ka soo qayb galidoona  waxaa ka mid ah.
logo cusub

Xildhiban  Cabdilahi Yusuf  Cali= Xildhiban DF ugu jira Besha Celi ahna Musharax Xildhibaan DF ee beesha Celi.

Sh Maxamed Aw-libaax = Wasiir Jubbaland  ka tirsan

Cali Dahir Ciid = Wasiir ka tirsan Maamulka Galmudug

Cabdisalam Ibrahim = Wasiir ka tirsan Maamulka Galmudug

Dr Caydiid Farax Qashiin = Xildhibaan ka tirsan Galmudug

Nadiif Gafaaa = Xildhiban ka tirsan Maamulka Galmudug

Cali Badal = Musharax u tagan  Xildhibanka Beesha Celi ee DF

Abdiweli Ibrahim Garyare= Musharax u tagan Xildhibanka  Besha Celi ee DF.

Adam Holal = Musharax u tagan Xildhibanka Beesha Celi ee DF

Siyaasiyiinta Maxamed Shuuke Macalin ,Mahad Khaliif Roble iyo Shakiib hoohar iyo Xubno kale ayaa ka mid ah Siyaasiyinta so xaadiri doonta kulankaasi.

Halka  dhanka Aqonyahanada  iyo Qurbajoogtana ay  shirkaani ka soo qayb gali doonan Masuliyin  ka tirsan Hay,adaha Qaramada Midobay iyo Hay,adaha Hormarinta ee Wadamada Danmark iyo Swisserland iyo xubno kale oo muhiim ah.

Waxa sido kale  Shirkaani so xaadiri doona Masuliyiinta Beesha Celi u matasha  Maamulka Gobolada dhexe  waxana wafdigaasi hogaamin doona Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Gobolada dhexe ee Somalia  Xasan Gaboobe.

Dhanka kale waxaa shirkaaani Marti ku ah Masuliyiinta Beesha Celi u matasha  Ismaamulka Somalida Itobiya ee DDSI oo ay horkacayaan Xubnaha Maamulka Dagmada Galaadi ugu jira Beesha iyo xubno kale.

—————————————–

Maxamed Cisman Jamac

   Cabudwaaq-Somalia