Sir Hoose: Saraakiil Ciidan oo Maanta Soo gaaray Muqdisho.

Munaasabad lagu soo dhaweynayay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo Tababaro kala Duwan ku soo qaadanayay Dalka Suudaan ayaa lagu qabtay Xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Xaflada lagu soo dhaweynayay Saraakiishaan ayaa waxaa ka Qeyb galay Abaanduullaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Ahna Ku simaha Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Cali Baashi Xaaji Maxamed iyo Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Saraakiishan ayaa mudo Saddex bil ah waxa ay tababar ku qaadanayeen Dalka Suudaan, waxaana tiradooda ay gaareysaa ilaa 35 Sarkaal.

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Ahna Ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Cali Baashi Xaaji Maxamed ayaa sheegay in Saraakiishan ay Tababaro kala Duwan ay ku soo qaateen Gudaha Dalka iyo Dalka Suudan.

General Cali Baashi Xaaji Maxamed ayaa kula dar daarmay Saraakiisha ka mid noqotay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan Difaaca Dalka islamarkaana ay Al-shabaab ka Saraan Gudaha Dalka Soomaaliya.

Saraakiishan ayaa mudo Tababaro ku soo qaatay Dalka Suudan waxaana ay ka qeyb qaadan doonaan Howlgalada ka dhanka ah Shabaab.