Sirdoonka Soomaaliya oo bilaabay Qorsho lagu baarayo garaashyada ku yaala Dalka.

Ciidamada Nabad Sugida ee Dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo baaritaano ah ku qaaday Garaashka Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow oo ku yaalla Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Garaashkan ayaa Ciidamada Nabad Sugida waxey uga shakiyeen in uu yaallo Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Ciidamada ayaa baaritaan ku wada Gaariga la sheegay in uu dhex yaallo Garaashkaasi.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sidoo kale Xalay howlgallo ku qaaday Garaashkan.

Dhawaan ayay  aheyd markii Ciidamada Nabad Sugida ay la wareegeen gacan ku heynta Garaash ku yaalla Black sea oo laga soo abaabulay Qaraxii khasaaraha geystay ee ka dhacay Suuqa Beerta ee Degmada Waabari.