Sky Sports Oo Saadaalin Kasoosartay Kulanka Berri Ee Manchester Derby.

Sky sports ayaa sadalin kasoo sartay kulanka lawada sugi layahay ee man derby waxaana kulankan cusbada uyelaya labada macalin ee kala ah jose iyo bebe
images-3Xiddigiin

Xiddigii hore ee Celtic iyo Arsenal Charlie Nicholas ayaa yiri: “Haddii Sergio Aguero uu diyaar ahaan lahaan waxaan kulankaan u saadalin lahaa City. David Silva waxa uu u muuqdaa mid dib u helay kalsoonidiisa laakiin su’aasha ugu weyn waxa ay tahay haddii uu Kelechi Iheanacho ama Raheem Sterling uu hogaamin doono weerarkooda?

“Waxaan qabaa inay su’aalo waa weyn dulsaaran yihiin Manchester United iyadoo Wayne Rooney uu dhibaatooyin qabo halka Pep Guardiola uu fariin diray islamarkaana uu jawaab helayo taasoo faa’ido u ah.”

Saadaasha Charlie Nicholas: Man United 1-1 Man City
Xiddigii hore ee Arsenal Paul Merson ayaa isna yiri: “Maqnaanshiyaha Sergio Aguero waxa ay dhib weyn u tahay Man City. Waan ogahay inay dadku leeyihiin waxa ay heystaan lacag badan, islamarkaana ay awoodaan inay la saxiixdaan cid walba laakiin Aguero waa ciyaaryahanka kaliya ee aysan bedeli karin. Waa ciyaaryahankooda ugu fiican.”

Saadaasha Paul Merson: Man United 2-1 Man City

Daaficii hore ee Liverpool Phil Thompson ayaa isna yiri: “Sergio Aguero waa ay tabeysaa Manchester City, waxaana qabaa in Zlatan Ibrahimovic uu jawiga dhiirogelin doono oo uu natiijo keeni doono. Barbaro ayaan saadaalin lahaa haddii Aguero uu ciyaarayo sababtoo ah waxaad ka filaneysaa inuu mar walba gool dhaliyo.

Saadaasha Phil Thompson: Man United 2-1 Man City

Xiddigii hore ee Southampton Matt Le Tissier ayaa yiri: “Aguero waa qasab in loo texgeliyo weeraryahanka ugu fiican Premier League, sidaasi darteed maqnaanshiyihiisa waa muhim weyn. Si kastaba, marka laga hadlayo tartanka horyaalka natiijada muhim ma noqon doonto madaama kooxda laga badiyo ay waqti badan oo ay ku soo kabsato ay heysato.”

Saadaasha Matt Le Tissier: Man United 2-1 Man City