Soomaali banaanbax ka Hordhigtay Wasaarada Cadaalada Dalka Britain.

Dadweyne Badan oo ah Soomaali ayaa Banaanbax waxay ka hor dhigeen afaafka hore ee Wasaarada Cadaalada Dalka Britain.

Soomaalida Banaanbaxa dhigay ayaa waxa ay Aad Uga xumaayeen ee ka soo horjeedeen Wiil Soomaali ah,  oo lagu dilay xabsi uu ku jiray.

Wiilka Marxuumka Ah Ayaa La Oranjiray (lagu magacaabi jiray) Jamaal Maxamed oo 21 sano jir ah, waxaana markii la xirayay lagu eedeeyay falal Argagixisanimo.

Marxuum Jamaal Maxamed ayaa lahaa Xaas iyo Labo caruur ah, waxaana socda baaritaano ku aadan qaabka uu u dhacay dilkiisa.

Xaawo C/raxmaan oo ah Hooyada dhashay Wiilkan Soomaaliga ah ayaa waxa ay sheegtay in markii horeba wiilkeeda loo xiray xaqdaro Cadaalada Waafaqsaneen, sidoo kalena hada loo dilay si bareer ah, waxaana ay dalbatay in baaritaano dhab ah lagu sameeyo dilka wiilkeeda.