Soomaali Lagu Xiray Dalka Suudaanta Koofureyd Maxey Tahay Sababta————

Sirdoonka Suudaanta Koofureed ayaa Magaalada Caasimadda Ee Jubba ku xiray 22 Qof oo doonayay in ay u Tahriibaan Wadanka Liibiya kadibna ay doon uga sii raacaan Talyaaniga.
Sargaal u hadlay Sirdoonka Suudaanta Koofureed ayaa sheegay in dadka ay Xir xireen ay uga shakiyeen in ay ku soo dhex dhuuntaan Dagaalameyaasha Kooxda Isku Magacowday Dowladda Islaamka.
22-ka Qof ayaa 16 kamida oo Carruur ay ku jiraan waxaa ay u dhasheen Soomaaliya,waxaana Sidoo kale la socda 4 Soomaali Kenyaan ah iyo iyo Labo u dhalatay Suudaanta Koofureed.
Ciidamada Sirta ee Suudaanta Koofureed ayaa Baaritaan ku haya Tahriibeyaashaas lagu qabtay Magaalada Jubba.