Taariikhda Kooxda Kaalinta 2aad Kaga Jirta Horyaalka Primer League Ee Chelsea…………

Bilowgii kooxda.

Bilowgii sanadkii 1905-tii. Henry Gus Mears iyo walalkiis J.T( Joseph Theolhilus) waxay wada jir u iibsadeyn garoonka Chelsea xiligaan ku ciyaarto oo xiligaasi loo yaqaanay Stamford Bridge Atletic Ground . Garoonka xiligaasi ma ahayn garoon kubadeed ee waxa uu ahaa garoon lagu ciyaaro ciyaaraha fudud ee olompikada. Gus Mears riyadiisu waxay ahayd in garoonka ka dhigo garoon kubadeed. Labadaan nin waxay xiligaasi la da’daal dhacayeyn dhaqaalo xumo.

Gus Mears oo ah walalka weyn waxaa soo gaaray dalabyo kala duwan oo ku saabsan in garoonka laga iibsado balse wuxuu iska diiday dhamaantood, wuxuuna ku adkaystay in garoonkan u abuuri doono koox kubada cagta ah. Mudo kadib wuxuu la xiriiray dad ku takhakhus ah garoomada, Wuxuu ka codsaday in qaabka uu garoonka yahay wax laga badelo madaama u markii hore ahaa garoon Olompic ah. Ugu dambaynti waxa dib haybn lagu sameyey garoonka lagana dhigay garoon kubadeed.

Gus Mears wuxuu gacanta ku dhigay garoon dib habeyn lagu sameeyey laguna ciyaari karo kubada cagta, Nasiib daro ma uusan haysan koox ku ciyaarta garoonkaasi. Sidaasi darteed wuxuu ku fekeray inuu iska iibsho. Wuxuu wada hadal la furtay kooxda Fulham FC oo ka dhisnayd xaafada Fulham Road oo ku yaalo Stamford Bridge.

Fulham Fc iyo Gus Mears waxay isku afgaran waayeyn qiimaha lagu kala iibsanaayo. Wuxuuna ugu dambeyntii la xiriiray nin ay saxibo yihiin oo lagu magacaabi jirey Fredricke Parker  isla markaasna ahaa maalqabeyn weyn. Fredrick Parker wuxuu dhagaystay qorsha saxiibkiis. Ma uusan jeclaysan fikerka ah in garoonkan cusub la iibsho, wuxuu kula taliyey in la dhiso koox ku ciyaarta. Ugu dambeyn waxaa la isku raacay fikerka dambe oo ah in koox ku ciyaarta Stamford Bridge la dhiso.

Magaca kooxda.

Waxaa loo guda galay magaca loo bixin doono kooxda cusub, Magacyo kala duwan ayaa la soo jeedshay sida Stamford Bridge football Clubb, Kensinton Football clubb, Chelsea, iyo kuwa kale oo badan. Markii dambe markii ugu dambaysay waxaa la isku afgartay in kooxda cusub loo baxsho Chelsea.

Magacaan wuxuu kayimid xaafada Chelsea oo daris la ah degmada Fulham oo ka tirsan magalada London.

Dadaal dheer kadib kooxda waxa loo ogalaaday in ay ka ciyaaran Division 2. Laba xili ciyaared ayey ka ciyaaren Division 2 kadibna waxay u gudbayn Division 1(EPL loo yaqaan maanta). Kooxdu kuma aysan hakan wakhti badan oo waxay noqotay koox u dhaxaysa labada Division.

Waxay markii ugu horaysay taariikhda gaarayn finalka koobka FA Cupka sanadkii 1915. Nasiib xumo waxaa ka qaaday koobkii Sheffeild United. Xiligaan waxay kooxda u soo baxay ciyaartoy magac weyn ku leh kubada, Garoonka Stamford Bridge wuxuu noqday garoonka loogu daawashada badan yahay dalka Ingiriiska. Wax walba waxay ku socdey sidii loogu talagay.

Laakin wax walba waxay is badelay intii lagu guda jiray dagaalkii koowad ee aduunka sanadihii 1914 ilaa 1918. Waxaa gabi ahaanba la joojiyey ciyaartista kubada cagta.

Waxaana halkaasi ku qasaaray wax walba oo horay looga soo shaqeeyey. Ciyaartoydii waxay noqdeyn kuwa da kadaba timaado iyo kuwa sababo kala duwan uga fariistay kubada cagta.

Waxayna ku qasbtay madaxdii Chelsea inay wax walba hoos ka soo bilaaban.

1950-yadii.

Xiligaani ayaa xili wanaagsan oo kooxdu soo saartay ciyaaryahano badan oo xulka qaranka u ciyaarayey.

Waxay markii ugo horaysay ku guulaystayn horyaalka sanadkii 1955. Waxayna noqotay taariikh ilaa maanta meel weyn kaga taal taagerayasha iyo kooxdaba. Hanashada ay hanteyn horyaalka waxay u sahashay inay ceshadaan ciyaartoyda tayada leh.

1960/70-kii.

Sanadkii 1961-dii waxaa tababare cusub loo magacaabay Tommy Docherty wuxuuna isla xiligaasi ka tirsanaa kooxda koowad inkastoo uusan ahayn nin booska joogta ka haysta. Nasiib daro wuxuu ku guuldaraystay inuu ka badbaadiyo kooxda horyaalka heerka labaad. Wuxuu markiiba sameeyey inuu iska iibsho ciyaartoy badan. wuxuu ku dhaqaaqay inuu fursad siiyo ciyaartoyda akademiyaha. Sanad kadib wuxuu ku guulaystay inuu dib ugu soo celiyo kooxda horyaalka heerka koowad.

Ciyaartoydii uu soo saaray xiligaasi waxaa kamid ahaa Terry Venables, Bobby Tambling, Peter Bonetti iyo Barry Bridges oo dhamaantood maanta ah halyeeyo ka tirsan Chelsea. Waxayna ka soo baxayn akademiyaha kooxda.

Sanadihii u dhaxeeyey 1964 ilaa bartahama 70-kii waxay kamid ahaayeyn kooxaha ugu tunka weyn dalka Ingiriiska. Waxaa xiligaan xafiiltan xun ka dhaxeeyey Leeds United. Dadka kubada cagta waxa ka qori jiray xiligaasi waxay sheegayn in kulamada Chelsea iyo Leeds United ahaayeyn kuwa xiiso leh isla markaasna ahaa kuwa loogu daawashada badnaa.

Sanadahani Chelsea waxay ahayd koox horyaalka ku dhamaysata kaalimaha 5 ilaa 2-aad. Waxay si weyn uga dhex muuqan jirayn koobab FA Cup iyo League Cup-ka. Isla xiligaan waxay qaadayn FA Cup, League Cup, iyo Koobkii loo yaqaanay Uefa Winner’s Cup waxayna ka qaadeyn Real Madrid oo iyadana ahay koox adag.

1980-yadii.

Xiligaan wuxuu xiligii ugu xumaa tariikhda Chelsea. Waxaa soo wajahay dhaqaalo daro xanuun badan, waxaa lagu yeeshay deemo aad u fara badan, waxaa intaasi usii dheera ciyaaro liita, waxayna ugu dambeyntii keentay inay u dhaadhacaan horyaalka heerka labaad.

Dhibaatadii iyo dhaqaalo xumadii halkaasi ugama harin, Waxay xitaa halis ugu galeyn inay horyaalka heerka sadexaad u dhaadhacaan. Balse dadaal iyo shaqo adag kadib waxay dib ugu soo laabtayn horyaalka heerka koowad.

1990-yadii.

Xiligaani ayaa ahaa xili aad u wanaagsan kooxdu waxay ka mid noqotay kooxaha safka hore kaga jira horyaalka. 1997 waxay ku guulaystayn FA-cup. sanadkii xigay waxay Uefa Super Cup ka qaadayn kooxda Real Madrid. Waxay kooxdu sidoo kale ku guulaysatay Cup Winners Cup markale iyo Carling Cup. Waxay sidoo kale ka qayb galayn Champions League. Waxay soo garaacayn kooxo badan oo xiligasi shidna sida Ac-Milan. Lazio. Galatasaray. Waxayna soo gareen wareega 16-ka. Barcelona ayey lugtii hore uga badiyeen 3-1- balse waxaa guuldaro ka soo gaartay lugtii labaad. 7 daqiiqo oo kaliya ka xigtay inay u soo baxaan semifinalka.

2000 iyo wixii kadambeyey.

Xiligani wuxuu mid ka duwan sidii hore, Intuusan iibsan maalqabeenka ruushka waxay kamid ahaayeyn kooxaha laga cabsado dalka England. Waxay soo bandhigi jiryan ciyaaro fantastik ah kuwaaso oo lahaa soo jiidasho. Sidoo kale waxaa aad u kobcay dhaqaalaha soo gala taasi oo u horseeday inay soo iibsadan xidigo waa weyn.

2000 waxay markale ku guulastayn FA Cup. Laba sano kadib waxay soo garen Finalka FA-cup.

2003 waxay markale u soo baxayn Champions League kadib markii ay kaalinta 4-aad ka dulqadayn kooxda Liverpool oo ay isku haystayn booska.

Isla sanadkaan waxaa Chelsea si rasmiya u iibsaday maalqabeenka caanka ee Roman Abramovich. Tilaabada ugu horaysay uu qaaday waxay ahayd inuu bixiyo wixii deyn lagu lahaa Chelsea.

Wixii intaasi ka dambeyey Chelsea waxay kamid noqotay mid kamida kooxaha ugu tunka weyn caalamka oo dhan. Maanta waxay kamid tahay 4-ta kooxod ee ugu taagerada badan kubada cagta caalamka oo dhan.  Waxaa lagu qiyaasin taagerayasha Chelsea ee ku kala baahsan dunida dacaladeeda in ka badan 140 Milyan oo qof.

Waayahan cusub waxay u horseeday inay ku guulaystaan horyaalka 4 jeer. FA cupka 4 jeer, League Cup-ka 3 jeer. Champions League, Europa League mid hal jeer.

Chelsea waa kooxda kaliya ka socota dalka England oo kuwada guulaysatay dhamaan koobabka loo dhigay kooxaha qaarada Yurub, UEFA Cup Winner’s Cup, Uefa Champions League, Uefa Super Cup iyo Uefa Europa League.

Magaca oo Dhamaystiran: Chelsea football Club(CFC)

Naaneysta: The Blues

Xiliga la asaasay: 10 maarso 1905.

Garoonka kooxda: Stamford Bridge.

Tirada uu qaado Stamford Bridge: 41,837.

Mulkiilaha : Roman Abramovic

Taba baraha kooxda: Antonio Conte.

Kabtenka: John Terry.

WQ: ismaciil cabdi ibrahim sanka

images

stamfordbridgepast1

che2

che1

kabtan

xidigaha-2

xidigaha