Tababar ay Suxufiyiinta ku baranayeen Hanaanka Tebinta Doorashooyinka oo lagu soo gebagebeeyey Muqdisho (SAWIRO)

Hay’adda Caalamiga ee Taageerada siisa Warbaahinta ee IMS-FOJO ayaa soo gebagebeysay Tababar u socday Ilaa 30 Saxafi oo ka hawlgala qaar ka mid ah Warbaahinadda ku yaalla magaalladda Muqdisho.
Tababarkaasi oo muddo 2 maalmood ka socday Hotelka Aljazeera ee magaalladda Muqdisho, waxaa Suxufiyiinta lagu baray Casharo ku aadan Hanaanka ugu wanaagsan ee ay u tebin karaa Doorashooyinka Somalia.
Xiriiriyaha Hay’adda IMS-FOJA, Abuukar Al-badri ayaa sheegay in Tababarkaasi lagu barayey Weriyayaasha hannaanka ay u tebin karaan Doorashooyinka ka dhici doona dalka Somalia.
Waxa kale oo uu tilmaamay inay Weriyayaasha Doorashooyinka laga diiwaan gelin doono Guddiga Doorashadda Dadban ee Heerka Federalka iyo Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federalka, si loogu fududeeyo Hawlaha la xiriira Tebinta Doorashooyinka, gaar ahaan Doorashadda Madaxweynenimadda iyo Guddoonka Barlamaanka.

tababar 4 3 2 1