Tababaraha kooxda Real Madrid: Zinedine Zidane Muxuu Ka Yiri Barbarihii Ay Real Madrid Shalayto Ku Qabatay Barcelona Kulankii El Clasico.

Iyagoo barbaro 1-1 ku soo galay Camp Nou, Real Madrid ayaa lix dhibcood ku hogaamineysa La Liga laakiin tababare Zinedine Zidane ayaa digniin ku bixiyay inaysan kooxdiisa isdhiganin.

Inkastoo uu tababaraha Faransiiska ku faraxsanaa dhibicda ay xaqiijisteen, waxa uu ugu baaqay ciyaartoydiisa inay dhibcaha wax ku sii daraan oo wadada guusha ay ku soo laabtaan isbuucyada soo socda.

“Tani ma ahan nooca barbaro ee u dhadhan eg guusha” ayuu Zidane u sheegay suxufiyiinta ka dib ciyaartii shalayto.
“Kaliya waa hal dhibic, ma ahan seddex, laakiin waa run inaan ku faraxsanahay sababtoo ah waa dhibic fiican.

“Waa inaan dhibco sii qaadano, waana arki doonaa waxa dhaca kulanka soo socda.

“Ma rumeysni in barbarahaan ay wax u dhimeyso moraalka Barcelona.

“Waxaan heysanaa hogaan lix dhibcood ah laakiin waxba isma bedelin madaama uu xilli ciyaareedka dheer yahay.”

Isagoo ka hadlay qaabka ay ciyaarta u dhacday, 44 sanno jirkaan ayaa aaminsan in kooxdiisa ay fursado fiican heshay qeybtii koowaad, islamarkaana Blaugrana ay heleen dhiirogelin dheeri ah markii ay shabaqa soo taabteen bilowgii qeybta labaad.

“Haddii aan gool dhalin laheyn qeybtii koowaad markaas ciyaarta sidaan waa ay ka duwanaan laheyd” ayuu yiri. “Markii ay goolka dhaliyeen waxa ay sarre u qaaday hamigooda, waxaana ay ciyaarta ka dhigtay mid ka sii adag sidii h–e.

“Ma hubo haddii ay tahay natiijo cadaalad ah, laakiin waa sida ay tahay.”