Taliyaha Ciidanka Booliska oo Baydhabo Tababar ugu soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaliyed+Sawirro

Taliyaha ciidanka Booliska soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Bay Tababar Ugu soo xiray 250 AskariĀ  oo ka Tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ,kuwaa soo loo qorsheeyay in ay ka howlgalaan Dagmooyin ka tirsan Gobalka Bakool .

Taliyaha ayaa ciidamada maanta tababarka loo xirey kula dar-daarmay in ay si daacad ah ugu adeegaan bulshada ku dhaqan deegaanada ay ka howlgalayaan ,islamarkaana ay ilaaliyaan sharafka Booliska Soomaaliyeed, kana hortagaan kooxaha caadeestay dhibaateenta Umada Soomaaliyeed .

Taliye Xaamud ayaa tan iyo markii lamagacaabay waxaa uu suurta galiyay in ciidanka booliska soomaaliyeed dib u habeen balaaran lagu sameeyo ,islamarkaana booliska ay ku soo biiraan Jiil cusub ku waa soo qaar kamid ah ay yihiin jaamiciyiin .

 

IMG_4071 IMG_4074 IMG_4082 IMG_4086 IMG_4090 IMG_4095 IMG_4104 IMG_4110-1 IMG_4114 IMG_4128 IMG_4148 IMG_4152 IMG_4176