Tiro Madaafiic ah oo Maanta kusoo Dhacay xaafada Buulo-xubeey ee Dagmada wadajir

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayan in Goordhaw Tiro Hoobiyayaal ah ay kusoo dhaceen Xaafada Buulo-xubeey ee Dagmada Wadajir .

Madaafiicda ayaa la sheegay in dad shacab ah ay dhaawacyo ka soo gaareen iyadoona aan la ogeyn halka laga soo tuuray .

Baraha Alshabaab ayaa lagu qoray in Madaafiic lagu garaacay Xerada Ciidanka Amisom ee Xalane iyadoona ay u muuqatay in Madaafiicdan ujeedkooda uu ahaa in lagu garaaco Xerada Amisom ee Xalane.

Madaafiic aan la aqoon halka laga soo rido ayaa dhowr jeer waxa ay kusoo dhaceen dagmooyinka Gobolka Banaadir haba ugu Badnaadeen dagmooyinka u dhaw Madaxtooyada Villa Soomaliya ee Muqdisho.