Turkiga oo Shaqaalihii ugu Badnaay Shaqo Joojin ku Sameeyay

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Turkiga  Afkan Alla, ayaa sheegay inay Xukuumadiisu si KMG ah shaqada Dawladda uga joojisay 75.000 Shaqaale, in ka badan 16.000 kalana  Xabsiyada la dhigay , isla markaana baaris lagu hayo hadii ay wax lug ah ku leeyihiin  isku daygii afgenbigii fashilmay iyo in kale.

Dhanka kale, Wakaaladda Wararka Turkiga ANADOL, ayaa iyana soo warisay  in 17.000 qof damiin lagu siidaayay , iyadoo kuwa si rasmi ah xuriyadooda dib u halayna ay dhan yihiin 3.600 qof.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga wuxuu kaloo  tilmaamay inay jiraan askar dalka ka baxsatay oo gaaraysa 190  Mileteri, 96 Polis ah iyo  9 Generaal haatana baadigoobkooda uu socodo.

Sidoo kale, markii uu dhicisoobay Inqilaabkaas, waxaa dalka Turkiga ka cararay 3.000  Garsooreyaal iyo Xeer Ilaaliyaal isugu jira.

Ugu dambeystii wuxuu sheegay inay Wasaaradiisu ku tala jirto howlgelinta  20.000 Polis cusub iyo 10.000 kale oo ah Ciidamada howlgalka khaaska ah mudada xukunka deg degga uu dalka ka socodo.