U.N : dadweynaha Sierra Leone In ka badan kala bar oo wajaheya cunto yaraan..

cuni-yari

hay’adaha cuntada U.N. ayaa sheegay Khamiistii in dalka Sierra Leone oo ka soo kabanayo saamaynta dilaaga aheed ee Ebola,

ay hadana in ka badan kala bar shacabka dalkaasi wajahayaan cunta yari, iyadoona dad badan aysan usii adkeysan doonin haddii masiibooyinka dheeraadka ah sida abaarta ama daadadka ay ku dhuftaan dalkaasi.

Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) iyo Ururka Cuntada iyo Beeraha (FAO) ayaa sheegay in cuntada yari inta badan Galbeedka Africa ay sababeen dhibaatooyin ka horeeyay cudurka halkaa ka dillaacay ee Ebola, .
Qaar ka mid ah 3.5 milyan oo qof ayaan haysan cunto iyo nafaqo ku filan oo ay cunaan, aya hay’adaha ku sheegeen warbixin la daabacay khamiisti.
Ku dhawaad 600,000 oo qof oo ka mid ah dadkaasi ayaa wajahaya cunto yaraan ba’an oo aan diyaar u ahayn xaalad lama filaan ah sida qiimaha cuntada oo kordha, daadad ama abaaraha.
Warbixintu waxay sheegtay in tirada dadka “si xun u” saameeyeen cunta la’aanta ay kordheen boqolkiiba 60 tan iyo 2010.
Iyada oo haatan si rasmi ah u dhamaaday dilaacii cudurka Ebola – ayaa xaalada sii xumaatay ee cunto yaraanta degmooyinka qaar ka mid ah, gaar ahaan Kailahun iyo Kenema, laakiin in inta badan dalka ay dhibaatadu tahay xanuun dabo-dheeraday, ayaa lagu sheegay warbixinta.