UNHCR oo War aan la fileynin ka Soo yeeray+Qaxootiga Soomaalida kenya.

Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa dowladda Kenya ugu baaqday in ay dhowrto xuquuqda dadka Qaxootiga ah ee dib loogu celinayo Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan UNHCR ayaa xusay in aan si qasab ah lagu celin Karin dadka qaxootiga ee degan xeryaha Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari.

Waxaana uu intaasi ku daray in loo baahanyahay in Kenya ay u hogaansato shuruucda qaxootiga caalamiga ah isla markaana ay dhowrto sharafka dadka qaxootiga ah.

UNHCR ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto wada shaqeynta dowlada Kenya ee ku aadan dhinaca Arrimaha qaxootiga iyo waliba sida ugu macquulsan ee loo sii wadi karo dib u celinta qaxootigaasi.

Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Kenya Joseph Nkaissery ayaa xusay in weli xeryaha qaxootiga ee dhadhaab ay ku suganyihiin ku dhawaad 300,000 oo qaxooti Somalia ah isagoo intaa ku daray in ay lix bilood ee la soo dhaafay dalkooda ku celiyaan 16,000 kun oo ka mid ah qaxootigaasi.

Qaxooti badan oo soomaaliyeed ayaa waxaa ay hada ku dhibaateysan yihiin xerooyinka qaxootiga ee dalka kenya.