UNHCR oo waxba kama jiraan ku tilmaantay warbixin ay soo saaraty Hey’ada Xuquuqda aadanaha Human Rights Watch

Hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee marka magaceyda la soo gaabiyo loo yaqaano (UNHCR ) ayaa waxay beenisay eedeeymaha Hay’adda Human Rights Watch ee fadhigeedu yahay dalka Maraykanka taa soo dowladda Kenya  ku eedeeysay in ay qaxootiga Soomaaliyeed ku hayso handadaad iyo cabsi galin joogta ah si ay ugu laabtaan dalkooda.

Wakiilka UNHCR ee Kenya ninka layiraahdo Raouf Mazou , ayaa waxaa uu sheegay  in dowladda Kenya ay si dhow ula shaqeyso qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya, isagoo intaasi ku sii daray in qaxootiga ay kunool yihiin nabad iyo Ammaan.

Dowladda Kenya ayaa horay loogu eedeeyay in ay dhibaato ku heyso qaxootiga Soomaaliyeed kunool dalka Xeryaha Qaxootiga dalkeeda kadib markii dowladu ay ku dhawaaqday inay albaabada isugu dhufaneyso xerada Dha dhaab oo ay ku noolyihiin Kumanaan qaxooti Somaaliyeed ah oo halkaasi maciin biday iyagoo ka cararay dagaaladii sokeeye ee dalkani Somaaliya ka qarxay..

Wakiilka UNHCR ee Kenya , Raouf Mazou ayaa ku tilmaamay warbixintii hay’adda HRW mid aan laga fiirsan oo lagu caqabadeynaayo ammaanka iyo sidoo kale sumcadda dowladda Kenya.