Urur Gobaleedka IGAD oo lagu eedyay inuu ka qabsoomi la’yahay Shirka Maamul usameynta Gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Wax garad Ka soo jeeda Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa urur gobaleedka igad waxa ay ku eedeyeen in fara galin ay ku sameyneyso Shirka Maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Waxay odayaashu sidoo kale sheegeen in ay aad ugu xun yihiin qaabka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ay howsha maamul u sameynta u wadaan Waxay tilmaameen in loo baahan yahay in shaqada loo Madax banaaneeyo Odayaasha dhaqanka ee Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Waxgaradka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in aysan aqbali doonin fara gelinta ay ku heyso Urur Goboleedka IGAD islamarkaana arintaasi ay tahay mid xad gudub ah.

Shalay ayay aheyd markii Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ay gaareen Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay taalo gogosha shirka Maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.