Waa Kuma Tababaraha Badeli Doona Klopp Oo Hada Haya Kooxda Liverpool—————

Halyeeyga taageerayaasha kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa ugu dambayn qaatay taladii macallin Jurgen klopp isla markaasna aqbalay inuu qabto shaqada tababarenimo ee Acedemy-ga Liverpool sida ay kusoo warramayso Daily Mirror.

36 sano jirkaan ayaa kooxda Liverpool usoo ciyaaray muddo 17 sano ah waxaana uu sii raacsday hal sano oo uu ku sugnaa carriga maraykanka iyo kooxda LA Galaxy isagoo ugu dambayn ka dhawaajiyey inu ka hawl gabay ciyaarista kubadda cagta laba week ka hor.

Tabaraha kooxda Liverpool ayaa ninkaan siinayay talooyin tiro badan waxaana loo sheeagy Gerrard inuu waqtigiisa tababarenimo kasoo bilaabo gunta hoose oo uusan markiiba qaban shaqo sare si uu u noqdo guulayste.

Steven Gerrard ayaa hore  isaga diiday shaqada tababarenimo ee kooxda MK Dons waxaana ay Daily Mirror sheegtay in heshiiskan lagu dhawaaqi doono dhawaan isagoo xidigani kooxda ka caawin doona tayayna academy-gaan oo hore usoo saaray xidigo magac leh oo ay u herreeyaan Michael Owen Robie Fowler iyo Steven Gerrard laftiisa.

2

download4

images3