Waa Maxay cudurka shubanka

Shubanka waa xaalad saxaro ama dareere oo joogta noqoto , caadi ahaan soconaysa dhowr maalmood oo inta badan joogsada bilaa dawo.

shubanka sida caadiga ah waa calaamad ka mid ah cudurka caloosha, kaas oo keena infekshan, bakteeriyo iyo mararka qaarkood natiijo ka timid cuntada wasakhaysan ama biyaha la cabo, ama qof qaadsiiya qof kale iyada oo sababtu tahay nadaafad xumo.

Shuban waxa uu sabbabi karaa fuuqbax taas oo ah in jirkaaga uu lumiyo biyaha, waxaa laga yaabaa in aad halis u gasho fuuqbaxa siyaadada ah hadii aan lala tacaalin oo aan la daweyn.

Fuuqbaxa waxaa uu noqon kara mid culus oo xitaa keeni kara dhimasho, gaar ahaan carruurta yar yar iyo dadka nafaqo ama nadafada difaaca ku yaryahay.

Maxaa Sabbaba Shuban waxaa sabbabi kara waxyaabo kala duwan, waxaa kamid ah:

Cudurada jermiska leh sida Infekshan bakteeriya iyo fayrus qaarkood Xasaasiyad cuntada qaar Xanuunka mindhicirada Dawooyinka qaar Gooryaanka Dadka qaar waxay dareemaan shubanka kadib qalliin caloosha, taas oo keeni karta cunada oo si fudud ku marta dheefshiidka.

Inta badan sabbabta uu shubanka ku yimaado lama garan karo oo way adag tahay in la ogaado.
Waa maxay Astaamaha:

Waxaa jira calaamado badan oo astaan u ah shubanka
Lalabo ,Calool majiir, Calool xanuun ,Dibiro, Fuuqbax, Qandho, Saxaro dhiig.

Hadii aad  isku aragto caalamadaahan fadlan sida ugu dhaqsiyaha badan ula xariir dhaqtarka.