Waa Sidee Xaalada dadkii ku dhaawacmay Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.

Isbitaalada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la dhigay dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii shalay ka dhacay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Suxufiyiinta ayaa maanta waxa ay u kuur galeen Isbitaalada kala ah Daaru-shifa iyo Madiina, halkaasi oo la dhigay tiradii ugu badneen ee Qaraxii shalay ku dhaawacantay.

Dr. Maxamed Yuusuf oo ah Agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in Isbitaalkooda oo keliya la keenya 41 bukaano ah, kuwaas oo qaba dhaawacyo kala duwan.

Isbitaalka Daaru-shifa ayaa sidoo kale waxaa la jiifiyay tiro dad ah, kuwaasi oo ku waxyeeloobay Qaraxii shalay dhacay, waxaana Agaasimaha Isbitaalka Daaru-shifa uu saxaafada u sheegay in Isbitaalka la keenay 35 ruux.

Wariyaal ka Tirsan Shaaciye24 ayaa waxaa ay u guur galay xaalada caafimaad ee dadkii ku dhawaacmay qaraxii shalay ka dhacay magalada muqdisho.

Waxaa ay soo Wariyeen Wariyaasheena in Xaalada Isbitaalada Madiino iyo Daaru Shufi ay Aheyd mid Aan Laa Warami karin,iyadoona Shacab aad u badan ay buux dhaafiyeen Labada isbitaalka.

Qaarkoodna waxaa ay noo sheegeen inay aad ugu xun yihiin wixii ka dhacay suuqa beerta ee degmada waabare ee gobalka banaadir.

Qaraxyadan noocan oo kale ayaa inta badan waxaa Masuuliyadiisa sheegta Dagaal yahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.