Wada Hadal U Bilaawday Dowladda Iyo Mucaaradka Dalka Venezuelan

venesuala

Dowladda iyo mucaaradka Venezuelan ayaa waxa ay qaadeen tallaabo lagu dejinayo dhibaatada siyaasadeed ee dalkaasi ka taagan.

Labada dhinac waxay yeesheen kullankoodii ugu horeeyay ee sanadkan.

Mucaaradka waxay joojiyeen bannaan bax ka dhici lahaa madaxtooyada.

Waxay sidoo kale dib u dhigeen dacwad ka dhan ah madaxweyne Nicolas Maduro oo ay u gudbin lahaayeen baarlamaanka.

Xilli sii horeeysay, waxaa xabsiga laga sii daayay seddax qof oo mucaaradka u dhaqdhaqaaqa.

Wada xaajoodka waxaa bilowday Axaddii, kaniisadda Vatican ee dalka Venezuela.

Arrintan waxay daba socotaa khilaaf siyaasadeed oo bilo qaatay iyo sicir barar iyo cuntada aasaasiga ah oo dalka ku yaraatay.