Wada-hadlo Saakay Muqdisho Uga Furmay Ahlusuna Iyo Galmudug——-

Maanta oo Arbaco ah waxaa Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna Magaalada Muqdisho lagu wadaa inuu uga Furmo Wada-hadalo lagu Xalinayo Khilaafka u dhexeeya,waxaana Wada-hadalada garwadeen ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Galmudug ayaa Wada-hadalka waxaa ku Matalaya Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey,halka Ahlusunna uu ku matalayo Madaxweynaha Ahlusunna Waljamaaca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Wada-hadalka Galmudug iyo Ahlusunna ayaa socon doona illaa 17-ka Bishaan,waxaana horay loogu heshiiyay in 30-ka April ay dhacdo Doorashada Hogaanka ugu sareeya Maamul Goboleedka Galmudug.