Agaasimha guud ee wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi oo ay wehliyaan agaasimayaasha wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al- Cadaala iyo Agaasimaha Radio Muqdisho Axmed Faarax Gaatamow ayaa gaarey magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan.
Booqashada Masuuliyiintan warfaafinta ayaa ku saabsan sidii Xafiiska wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA looga furi lahaa magaalada Baladweyne,Islamarkaana loo dar-galin laha howlaha War-baahineed ee Radio Muqdisho qeybtiisa Gobalka Hiiraan,waxaana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan.
Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdirisaaq Cali yuusuf Bahlaawi ayaa horay sidan oo kale u soo furay xarumaha Wakaalada Wararka qaranka soomaaliyeed(SONNA) ay ku leedahay Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.