Wafdinka Socda UNDP oo Magaalada Galkacyo kulan kula qaatay Masuuliyiin ka tirsna Maamulka Galmudug+Sawirro

Kulankaan oo ahaa mid looga hadlayay dhismaha xabsiyada iyo daryeelka maxaabiista ku xiran saldhigayada iyo xabsiyada Galmudug ayaa waxaa maanta magaalada galkacyo kuwada yeeshay saraakiil ka socatay Hay’adda UNDP masuliyiin ka socatay wasaaradaha amniga dowlada fadaraalka iyo tan dowlad gobaleedka galmudug saraakiisha laamaha amaanka galmdug iyo masuuliyiinta maamulka gobalka mudug.
Kulanka oo ahaa mid albaabadu u laabnayeen ayaa intuu uu socday waxaa laysku dhaafsaday afkaaro ku aadan sidii sidii laysaga kaashan lahaa dhameystirka dhismaha xabsiga weyn Galmdug ee magaalada galkacyo kaas oo wali qabyo ah iyo sidii looga hortagi lahaa xagjirnimada.
Markii uusoo idlaaday kulanka ayaa waxaa masuuliyiintu ay kormeer ku tageen halka laga bilaabay dhismaha xabsiga iyagoo u kuurgalayay halka uu marayo xabsiga

Kormeerka kadib ayaa waxaa warbaahinta qaranka la hadlay qaar ka mid ah masuuliyiintii ka socatay wasaaradaha Amniga fadaraalka iyo Galmdug

Ugu horeeyna waxaa warbaahinta usharaxay waxyaabihii looga hadlayay kulanka wasiiru dowlaha wasaarada Amniga Galmdug C/laahi Axmed Calasoow waxaana uu sheegay

wixii aan isla garanay waxaa ka mid ah in loo sameeyo xog uruursi fiican oo ku aadan qaabkii looga hortagi lahaa xagjirnimada oo aduunka kusii baaheeysa gaar ahaana bariga afrika ama soomaaliya halkaan aan joogno waa xabsiga oo ay dhiseen ganacsato reer galmdug ah oo qabyo ah oo ay isku xilqaameen waxaana ka codsanaya ineey noo dhameeystiraan dhismaha xabsigaan oo aas aas unoqan kara galmdug waxaan kaloo ugu baaqayaa taliyaha ciidanka asluubta soomaaliyeed in uu halkaan soo booqdo ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaarada Amniga Galmdug

Agaasimaha dhaqan celinta maleeshiyaadka ee wasaarada amniga gudaha dowlada fadaraalka soomaaliya Maalik Cabdalla ayaa isna dhankiisa faah faahin doorka ay ka qaadanayaan ka wasaarad ahaan qorshaha dhismaha xabsiga iyo daryeelka maxaabiista waxaana uu yiri

“waxaa sharaf noo ah inaan maanta joogno galmdug oo aan ka qeyb qaadaneeyno dhismaha amniga qaasatan xabsigaan oo loo diyaarinayo Galmudug anigu waxaan qaabilsanahay barnaamijka dhaqan celinta maleeshiyaadka oo si xowli ah uga socda dalka qeybihiisa kala duwan waxaan udoodeeyna in halkaan laga furo xero iyo inaan soo kormeero dadkii dhawaan iska soo dhiibay Al shabaab oo halkaan ku sugan sidii looga kaalmeyn lahaa Galmdug marka dowlada fadaraalka waajinkeeda si wanaagsan ayeey ugudaneeysaa maamulka galmudug waan uga mahad celineeynaa sida ay ugarab taagan yihiin wada shaqeeynta naga dhaxaeeysa.
Inkastoo aysan aheyn markii u horeeysay oo saraakiil ka socata Hay’addaha qaramada midoobay qaarkood ay kulan looga hadlayo dhismaha iyo dhameystirka xabsiga weyn ee galmudug ee ku yaala magaalada Galkacyo la qaataan madaxda Galmudug ayaa haddana aysan suurta galin in la dhameystiro dhismaha xabsigaasi si loogu daryeelo maxaabiista ku xiran saldhigyada iyo xabsiyada yar yare ee ku yaala magaalada galkacyo kuwaasi oo aan ku filneeyn tirada maxaabiista ee haatan ku xiran

 

unka1 unka2 unka3 unka4 unka5 unka6 unka7 unka8 unka9 unka10 unka11