Wajiga 4aad ee doorashada Aqalka Hoose Jubbaland oo Magaalada Kismaayo lagu soo gabo gabeeyay

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose aaa Maanta dib uga Bilaabatay Magaalada Kismaayo kadib Hal Maalin oo Nasiino ay ku Maqnaayeen Ergada Wax dooraneysa maadama Maalintii shalay ay Jimco aheyd.

Ergada waxa ay doorteen Maanta Ilaa dhowr xildhibaan oo kamid Noqonaya Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya.

Doorashada wejiga Afaraad waa lasoo Gaba gabeeyay waxaana Maanta la doortay 5 Xildhibaan oo Aqalka Hoose ka Mid noqonaya.

Halkaan Hoose ka Aqriso Magacyada Xildhibaanada Maanta la doortay:

  1. Issack Aden Hassan……………..40 Cod
  2. Mohamed Hassan Idiris……….28 Cod
  3. Mohamed Aden Moalim……..29 Cod
  4. Hawo Mohamed Aden…………38 Cod
  5. Mohamed Abdi Gandi………..

Habada waxaa maanta halkaasi kusoo gaba gaboobay wejiga Afaraad ee Doorashada Maalinta Beri ayaana dib loo amba qaadi doona doorashada Xildhibaanada Haray.