Wakiilka AU iyo taliyaha ciidamada AMISOM oo booqasho ku tegey Jowhar(Sawiro)

Wafdi uu hogaaminayay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya Francisco Madeira uuna ka mid ahaa taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya General Cisman Nur Subagle ayaa maanta booqday ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Booqashada wafdigan ayaa la xiriirtay sidii ay uu taliyaha cusub ee dhowaan hogaanka AMISOM la wareegay General Subagle uu baran lahaa saraakiisha iyo ciidamada ka socda dalka Burundi ee ku sugan deegaano kamid ah gobolka Sh/dhexe.

Wafdigan ayaa waxa ay warbixin ka dhagaysteen taliyaha dhowaan loo magacaabay ciidanka Burundi ee ka howlgala magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe
Ndiwayo Venaste.

Masuuliyiintan ayaa u kuurgalaya amniga Gobolka iyo kaalinta ciidamada Burundi, waxayna sidoo kale kormeereen ciidamada AMISOM ee degmada Cadale.

Wafdiga waxay kulan la qaateen saraakiisha Ciidanka AMISOM ee Shabeellaha dhexe oo ay uga mahad celiyeen sida amaanka gobolka ay uga shaqeeyeen, waxayna kula dardaarmeen iney xoojiyaan nabada iyo la dagaalanka xoogaga Al-Shabaab.

boqasho amisom (1)boqasho amisom (2)

boqasho amisom (3)

boqasho amisom (4)

boqasho amisom (5)

boqasho amisom (6)

boqasho amisom (7)boqasho amisom (8)