War Deg Deg Ah:-Idaacad Caan ah oo la xeray iyo Qalabkeeda oo la qaatay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidanka

Ururka Ahlusunna ay xireen idaacadda Radio Galgaduud oo ku taalla Magaalada Guriceel ee

gobolka Galgaduud.

Ciidamo ka tirsan Ururka  ayaa gudaha u galay xarunta idaacadda waxaana ay qaateen qalabkii ay

ku shaqeynaysay idaacadda sida ay sheegeen maamulka radiogalgaduud.

Maamulka Ahlusunna ayaa horay u dhibaateeyay wariyeyaasha ka howgalla gobolka Galgaduud

gaar ahaan Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb oo ay gacanta ku hayaan.

Radiogalgaduud ayaa horay maamulka ay xireen waxaana dadaal dheer oo ay sameeyeen ururada

Saxaafada suurta gashay in lasiidaayo idaacadda