War Deg Deg Ah :Qarax Goordhaw ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw qarax uu ka dhacay agagaarka saldhiga booliska Degmada waaberi ee magaalada Mudisho, waxaana qaraxa lasoo sheegayaa in uu yahay mid gaari lagu soo xiray.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxu ahaa mid nuuca gawaarida lagu soo xiro , waxa uuna haleelay gaari la sheegay in uu marayay afaafka hore ee Hotelka Maka Al-Mukarama .

Goobjooge ka ag dhawaa goobta wax ka dhacay ayaa inoo sheegay in gaariga qaraxa lagu soo xiray uu ahaa gaari Parado ah kaas oo lagu soo xiray qofkii watay waxyaabaha qaraxa, waxaana la sheegay in hal qof halkaa wax ku gaaray balse garigii soo gaartay waxyeladii ka dhalatay qaraxaa.

Gaadiidka Ambalaasta deg dega ayaa goobta gaaray, waxaa sidoo kale halkaasi gaaray ciidamo katirsan Nabad Sugida Qaranka iyo booliiska oo goobtaasi xiray.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah