War Deg Deg: Degmada Qandala oo ka taagan arin aan caadi aheyn.

Wararka ka imaanaya  Degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya  in Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ay weerar culus ku  qaadeen degmadaasi, oo gacanta ay ku hayaan Ururka Daacish ee ku sugan deegaanadaasi.

Weerarkaasi ayaa Ciidamada Maamulka Puntland waxa ay ka qaadeen labo Jiho ,kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoona labada dhinac hubka Fud fudud iyo kuwa cul culus ay isku adeegsadeen.

Sidoo kale Dadka deegaanka ayaa  xaqiijiyay in weerarkaasi ay qeyb ka ahaayeen Ciidamo kuwa NATO ka tirsan oo Puntland ka caawinayay  Gulufka maanta ay ku qaadeen dagaalyahanada Daacish ee maamulayay Qandala indhawaanahan.

Maraakiib Ciidamada Nato ay leeyihiin ayaa Xeebaha Qandal ka soo ridayay Gantaallo xoogan oo ka dhan ahaa Daacish.

Degmada Qandalay ayaa dhawaan waxaa la wareegay dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan Ururka Daacish.