War deg deg: Dukaamo badan oo Caawa la dhacay iyo Jawiga Suuqa bakaaraha oo qasan.

Kooxo Hubeysan ayaa Caawa dhac ka geysatay qeyb ka mid ah Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Dukaamada Bagaashka oo u dhaw Kawaankii hore Ee Suuqa Bakaaraha.

Goobjoogeyaal ayaa shaaciye24 u sheegay in Kooxda Burcadda ah ee Dhacay Dukaamada ay qaateen Lacago iyo Waxyaabe kale oo yaalay illaa 7 Dukaan oo ay dhaceen.

Arrintaan ayaa la yaab  ku noqotay Ganacsatada Suuqa Bakaaraha,waxaana ay Dowladda Federaalka ka codsadeen in ay wax ka qabtaan.

hayeeshee ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Howlwadaag iyo Kan Gobalka Banaadir.

Wixii ku Soo korha la Soco