WAR DEG DEG: Duqeymo caawa fiidkii lala beegsaday ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweyne ee xarunta
Gobalka hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in caawa goor dhaw laga maqlayay jugta hoobiyayaal lagu garaacay ciidamada AMISOM eek u sugan galbeedka magaalada. Waxaana si rasmi ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay duqeynta caawa lala beegsaday ciidamada Amisom sida ay shaaciye24.com u xaqiijiyeen dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan. Ilaa iyo imika ma jirto masuuliyiin ama saraakiil ka tirsam Amisom oo ka hadashay duqeynta caawa ka dhacday magaalada baladweyne.
14591713_752288364909080_5331008228916294424_n