War deg deg: Muwaadiniin Somaaliyeed oo Goordhow lagu dilay Wadanka Koonfur afrika.

Wararka hada naga soo gaaraya Wadanka  Koonfur Afrika ayaa waxaa ay ku soo waramayaan  in Afar qof oo ganacsato Soomaali ah ay dhinteen, ka dib markii dab uu qabsaday goobtooda ganacsi.

Hayeeshee ilaa iyo hada lama oga cida sida rasmiga ah ee dukaankan dabka  qabadsiiyay iyo in uu gudaha ka kacay, laakiin horey falal Soomaali lagu gubay ayaa ka dhacay Gobolka Eastern Cape.

Booliska Koonfur Afrika iyo Gaadiidka dabdamiska ayaa waxa ay soo gaareen goobta uu dabka ka kacay, waxaana la damiyay dabkii kacay, sidoo kale Booliska ayaa baaritaano.

Sikastaba ha ahaatee Dhawaan ayaa ganacsade Soomaaliyeed waxaaa  lagu dhex gubay goobtiisa ganacsi,iyadoona sheekooyinka noocan oo kale wadankaasi ay ku soo bateen.