Wararka ka imaanayaa gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xarakada Al-shabaab qarax ay ku aaseen deegaanka Sabuun oo hoostaga degmada Mahadaay ay ku dileen dad shacab ah.
Inta la xaqiijiyey shan qof ayaa ku geeriyooday kuwo kalena wey ku dhaawacmeen kadib markii Al-shabaab qarax ay galiyeen deegaankaasi oo hoostaga Mahadaay oo katirsan gobolka Shabeellaha dhexe.
Dadka deegaanka ayaa tilmaamay in marka laga tago qasaaraha dhimashada sidoo kale ay jiraan dad ay soo gaareen dhaawacyo culus oo qaraxaasi wax ku noqday.
Xarakada Al-Shabaab ayaa inta badan waxaa ay Weeraro ka geystaan guud ahaan Soomaaliya.