War Deg Deg: Weerar Xoogan oo Goordhow lagu Qaaday hotel ku yaala Muqdisho.

Wararka goordhow naga soo gaaray hotelka banaadir beach ayaa Sheegaya in Qaraxyo  xooggan ay  ka dhaceen nawaaxiga Xeebta Liido ee degmada C/casiis ee Muqdisho,Sida ay sheegayaan Dad goobjoogayaal ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Qaraxa uu ka dhacay Maqaayada Banaadir Beach oo u dhaw Xeebta Liido ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari waxaana ka dib goobta uu Qaraxa ka dhacay ka bilowday Rasaas Xoogan.

goobjooge ayaa goordhow Shaaciye24 u sheegay in Ciidamada badan oo ka tirsan kuwa Dowlada Soomaaliya ay hada gaareen goobta ay rasaasta iyo Qaraxyada lagu Weeraray.

Ilaa hada lama ogo khasaaraha rasmiga ah ee Qaraxaasi ka dhashay waxaana weli la maqlaya Rasaas Xoogan.

Wixii ku Soo kordha la soco inshaa Allaah.